Wednesday , 3 December 2014

Marka Uu Xeerku Nolosha Ka Qiimo Bato!

21819

Qaanuunka la yidhaahdo (Wax kaste oo dhaca ha is dhaqaajin) ayaa waxa caan uu ku yahay marka askarta la taba barayo amaba ay shaqo maalmeedkooda gudanayaan gaar ahaan kuwa soo dhaweeya madaxwaynayaasha, iyo marka ay safka subaxii ku jiraan.

Sheekada sawirkan ku cad oo ka dhacday wadanka Ireland ayaa askari ka mid ah askartii ka qayb qaadanaysay bandhigii loo qabtay soo dhawaynta madxwaynaha wadankaasi ayaa koomo galay, kadibna sida sawirka ka muuqataba aanay cidi dhag u jalaq siin hoosna loo eegin ilaa iyo intay naftu ka baxaysay.

Ilaahi muslimiinta inaga dhigay ayaa mahad oo dhani u sugnaatay.

Raali Ku Ahaw Waxa Ilaahay Kusiiyay Intu Doonaba Ha Leekaadee:

21817

Sawirkan ayaa isaguna waxa uu xambaarsan yahay macnaha ah: raali ku noqo waxa uu Ilaahay ku siiyay inkaste oo uu leegyahay, waayo waxaa dhici karta in hadii wax kabadan lagu siin laha aad ku halaagsami lahayd.

Mid ka mid ah wadooyinka ama jidadka loo maro Dugsiyada ku yaala wadanka Indonisia.

21818

Waxaa sawirkanna la yaab leh dhiiranaanta iyo rabitaanka araydan da’da yar ee raadinaya aqoonta iyada oo ay ka hooseeyaan biyo qofka wayni uu ka cabsoonayo iskada caruure.

 

Ka faaidaysi wacan | Bahda faaido.com

 

 

Sidaad U Aragtaa? Fikirkaaga Ka Dhiibo!

Kusoo Dhawow Bahwaynta Faaido
Ka qayb qaado horumarka dhulka hooyo una faaidee dadkaaga